Xuquuqda iyo waajibaadyada lammaanayaasha is qaba
Lammaanaha is qaba waa siman yihiin. Guurkoodana waa inay ka muuqato is aaminaad dhexdooda ah ayna si wada jir ah horumarka qoyska uga wada shaqeeyaan.
Labada is-qabta mid walba wuxuu xaq u leeyahay inuu go’aan ka gaaro arrimihiisa, inuu shaqo tagayo ama ka qayb-galayo arrimaha mujtamaca iyo hawlo kale oo qoyska ka baxsan.
Waajibaadka masruufka ee lammaaneyaasha
Lammaanahu waa inuu intii tabartiisa ah ka qayb qaato dhaqaalaha qoyska iyo masruufka lammaanaha kale. Haddii labada lammaane midkood uusan shaqayn, lammaanaha dhaqaalaha roon waa inuu masruufa kan kale, tusaale ahaan inuu ka kaalmeeyo xaga cuntada iyo dharka.
Marka naagta guurka ku jirta ama la qabo ay cunug dhasho, nidaamka macluumaadka waxaa ninka naagta qaba si toos ah loogu calaamadeynayaa aabaha cunugga. Labada waalid waxaa loo qorayaa mas'uuliyiinta cunugga.
Lamaanaha isqaba waxay wadajir u soo korsan karaa cunug. Soo korsashada waxaa lagu qarariraa sharciga soo korsashada. Haddii aad xiiseynayso soo korsasho, weydii macluumaad dheeraad ah xafiiska sooshaalka ee degmadaada.
Hantida
Hantida uu lammaanuhu leeyahay, markuu guursanayo iyo mida uu helo markuu guursaday ka dib asaga ayaa iska leh. Lammaanuhu waxay wada samaysan karaan hanti ay wada leeyihiin. Lamaanayaasha isqaba waxay hantidooda u leeyihiin xuquuqda guurka. Haddii uu guurku furiin ku dhamaado, dhamaan hantida la isku daray ee lamaanaha waxaa loogu qeybinayaa si siman. Haddii guurku uu ku dhamaado geerida lamaanaha kale, hantida la isku xisaabiyay ee lamaanayaasha waxaa loo qeybinayaa kuwa leh dhaxalka lamaanaha geeriyooday iyo lamaanaha nool. Dardaaran laguma burin karo xuquuqda guurka. Haddii lamaanuhu ay sameeyeen shuruud guur, hantida waxaa lagu qeybinayaa marka ay taagantahay xaalad furiin iyo dhimashada lamaanaha kale si waafaqsan heshiiska shuruudda guurka.

Carruurta iyo guurka

Waad mahadsantahay walaalo
ReplyDeleteAqoontaa iyo waayo aragnimadaada aad nala wadaagtay.
Wakhtigan dambe waxaa deegaanada soomaalidu degto ku badan furtaanka iyaga oo ayna labada lamaane muddo badan wada joogin. Markaa aqoonyahanad maxaa u malaynaysaa inay sabab u tahay?
Mahadsanid -----------
Nimco Axmed C/laahi
ASC Somalia melkasta malin wanagsan intii habeen utahay habeen wanagsan intii subax utahay subax wanagsan xuseenibrahim217@gmail.com
ReplyDeleteInsha Allah
ReplyDelete