Waa in aadan ka daalin ku cel celinta yoolkaaga

Macnaha dhabta ee guusha waa inaadan ka daalin ku celcelinta yoolkaada si aad u remeyso."



Wax walbo kugu dhici doono waa ay qoranyihiin, maahan inaad hadafkaaga u joojido shaki aad ka qabto inaad caqabad la kulmeyso, waa xaqiiq waad la kulmeysaa caqabado aan tirsi lahayn, haddii adan hureyn mahaan inay cabsi kugu beeranto, halkii aad ahaan lahayd, fadhiid aan waxbo qabsan noqo shaqsi maalaayiin jeer fashilma, inta aad isku dayga aad wado ma ahaan doontid shaqsi guul dareesta, waxaad guuldareysatay markaa aad joojido isku dayga, waxaad qof dhammeestiran noqoneysaa marka aad isu aragto shaqsi wax soo kordhin karra marka aad noqto nolosha ka adkaan karra.

In lagaa adkaado waa suuragal lakiin ha qaadan inaad is dhiibto. Hayaanka nolosha waxa uu ka bilowdaa hal tallaabo oo ay geesinimo ku dheehantahay aad qaado. Geesimada maahan inaa tahay dagaal yahan geesinimada dhabta waa inaadan noqon qof fashilka ka baqa.

Ma mudna inaad is daweyso marka xanuunka kugu dhoco waa inaad is daweysaa xanuunka ka hor si difaacaagu u xoognaado.

Marqudha haka libiqsan meesha aad usocoto.
Xusuusnow inaad tahay macdan aan weli la daah-furin. Mucjisooyin iyo cajaa’ib tiro beel ahbaa kugu keydsan. Fursado ka badan inta aad filaneyso ayay noloshu kuula diyaar tahay. Miyaan la gaadhin goortii aad baraarugi lahayd?

Noloshaan Aad arkeysaan waa xaalad cajiiba, waayo waxaad arkeysaa Adiga Oo isu maleeyo qof liita Hadan Aad arkeysaa mid kaa sii liita Wallaahi Noloshaani waa u sabar xaalad walba Oo ay ku galiso sabbto ah Allah ayaa ah Garabkaaga ah, hadii aan dareeno dhibaato yar waxaan bilownaa deyro,calaacal,iyo Adkeesi la,aan mana loo baahno taas Qadar walba oo kugu dhacdaa ku qanac ku farax markaa kheyr ayaa kuu danbeynaayo waadna libaaneysaa xaqiiqdii Allah Tala saaro

Aad iyo Aad ugu mahadsantahay aqrintaada.waxaan rajeynayaa in aad wax ka faa,iday

W/Q: Nimco Ahmed

Comments

  1. Xaqiiqdii waa qoraal cajiib ah wax badana ka bedelay noloshayda waxaana
    Ogaaday in hadii aad dhiiran tahay rabina aad tala saarato aad gaarayso barta aad rabto mhdsnd qoraa wayn gulayso waligaa

    ReplyDelete
  2. M.a wllshy shukran qormadaan waxay ii tahay mid aad iqusaysa waana kaaga mahad celinayaa

    ReplyDelete
  3. Anigaa nasiible wax isla so baranay waqtina isla so qaadanay keep going intaan iyo in ka badan wa kaa sugeyna

    ReplyDelete
  4. Masha Allah Tabarakallah Nimcaay intan iyo in ka bdn oo wax soo saar ah wan ka filaaye, horay usoco🫂

    ReplyDelete

Post a Comment

Popular posts from this blog

Xuquuqda iyo waajibaadyada lammaanayaasha is qaba